
S
Halkan ka daawo Qaybta booliska iyo laanta socdaalka oo xadhiga laga jaray laascaanood.
Wasiirka arimamha gudaha somaliland cabdilaahi ismaaciil cali cabdilaahi ciro ayaa maanta xadhiga ka jaray taliska qaybta gobolka sool iyo laanta socdaalka ee magaalada laascaanood oo uu dhamaaday dhisme ka socday xarumahaaas waxaana ku weheliyay waftiga wasiirada Wasiirka Boosta iyo isgaadhsiinta cali maxamuud axmed cali sandule wasiirka cadaalada iaxmed xasan cali casoowe wasiiru dawlaha waxbarshada somaliland taliyaha qaybta booliska badhasaab xigeenka mayerka degmada laascaanood iyo saraakirsan ciidanka booliska
wasiirka ayaa xusay in dhismaha qaybta gobolka sool oo in badan burbursanayd ay maanta faxad weyn noo tahay anaga iyo bulshda ku dhaqan gobolka sool waxuuna xadhiga ka jaray taliska qayb bilayska isagkaoo u mahadceliyay shirkada daldhis oo ku dhamaystirtay wakhtigii loogu talagalay wuxuuna sidoo kale faray taliyaha qaybta booliska gobolka sool in ay ka faa,idaystaan iyadoo hore xafiisyadani ahaayeen kuwo aan la isticmaali karin balse aad maanta aragtaan quruxdeeda
sidoo kalena waftiga wasiirada oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha somaliland ayaa xadhiga ka jaray laanta socdaalka ee magaalada laascaanood wuxuuna sheegay
in laga hirgeliyay laamaha socdaalka dalka 3 meelood oo kala ah wajaale lowyacado iyo tan magaalada laascaanood isaga oo arimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi
isku soo wada duuboo xarumahan maanta xadhiga lagay jaray ayaa u muuqda horumar u soo kordhay gobolka sool iyadoo taliska qaybta booliskuna ahaa goobta kaliya ee ay ka muuqatay burbur baahsan oo markii danbana roobabku wax yeeleen.
holhol.net
holholnews@hotmail.com