HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >>WARARKII UGU DAMBEEYEY

kulan ay wada yeesheen saxufiyiinta ka hawlgala Gobolka Sool iyo Wasiirada ku sugan magaalada laascaanood+ Daawo sawirada
       Posted to the web on Mar 14

S

Saxaafadda Gobolka sool iyo Wasiiradda Somaliland ee  ku sugan magaaladda Laascaanood ayaa waxa ay saaka yeesheen Kulan ka dib markii maalmihii la soo dhaafay la xidhay wariyayaal ku hawlan shaqadooda saxaafadeed , Kulankan oo ahaa mid qaatay muddo saacado ah ayaa lagu  gorfeeyey arimo badan.


 


 Wasiirka Arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (cabdilaahi Ciro)  iyo Wasiirka Cadaaladda Axmed xasan Cali Casoowe, iyada oo dhinac Saxaafaddana ay dhamaantood wada joogay, ugu horayn waxaa kulankas furay wasiirka Arimaha gudaha Cabdilaahi Cirro oo waano iyo wax sheegba u soo jeediyey Saxaafadda waxana kale oo uu ka hadlay xadhiga joogtada ee wariyayaasha gobalka loo gaysto sidii looga bixi lahaa.


Sidoo kale wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in wariyaayasha jooga Laascaanood aysan wasaaradda Warfaafinta ka haysan Aqoonsi isla markaasna ay waajib tahay in wariyayaasha la siiyo kaadhadhka Aqoonsiga ah, waxana isla markaasna uu xusay in loo  bahan yahay in suxufiyiinta gobolka sool ay helaan Tababaro. 


 Dhanka Saxaafadda Gobalka Sool ayaa ugu horayn waxaa u hadlay Axmed Cali Faarax oo ah wariyaha Tv-ga ETN ee gobolka sool waxana uu xusay in wariyaashu ay inta badan la kulmaan cabudhin joogta ah oo aan xaq loogu la hayn,


Faysal Jaamac Aadan ayaa wasiiradan ka codsaday in Askarta Policeka ah uusan Suxufiyiinta isla markiiba aysan soo qaban ee uu soo maro wada sharciga ah ee Maxkamdu jidaysay.

Cabdisamad Kayse Maxamuud ayaa ka sheekeeyey baahiyaha joogtada ah ee ay qaban suxufiyiinta Gobalka Sool waxana uu sheegay in wariyayaasha ka hawl gala gobaladda Somaliland ee ay helaan tababaro, siminaaro iyo gunooyin kale balse kuwan Laascaanood ka hawlgala ay ka ooman yihiin


Ugu danbayntii shirkan suxufiyiinta iyo wasiiradu waxa uu ku soo ibo belay jawi wanaagsan iyada oo Wasiirka arimaha gudaha uu ka codsaday in wariyaashu ay soo gudbiyaan waxa ay ka cabanaayan isla markaasna loo balamay kulan kale.



 


 


 


 



 



 



 


 


holhol.net




holholnews@hotmail.com


my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah