HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >>WARARKII UGU DAMBEEYEY

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Siciid Sulub Ayaa Xadhiga Ka Jaray Dib U Habayn Lagu Sameeyey Wadada U Dhaxaysa Burco Iyo Laascaanood
       Posted to the web on Mar 13

S

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo gadiidka ee somaliland ayaa waxaa uu xadhiga ka jaray dub u habayn lagu sameeyey wadada isku xidha magaalooyiinka Burco iyo Laascaanood ee bariga somaliland kuwaasi oo dhawaan uu burbur soo gaadhsiiyey roobab dhawaan halkaasi ka da'ay.


Wasiirka hawlaha guud oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda wadooyinka Somaliland (SRA) ayaa markii hore kormeer iyo indha indhayn ku soo maray 1700-mitir oo dib loo dayactiray iyo dib u dhis lagu sameeyay Buundo way oo daadku waxyeeleeyay, oo ku yaala dawga way nee laamiga inta u dhaxaysa Tuulooyinka Samakaab iyo Adhi Cadeeye, markii uu Wasiirku soo kormeeray dib u dhiska lagu sameeyay jidka iyo buundada ka dib waxa uu xadhiga ka jaray guud ahaan dhimaha iyo dayactirka lagu sameeyay wadada.


Wasiirka oo hadal kooban halkaa ka jeediyay ayaa u mahad naqay injineeradii hawsha fulinayay ee hay’adda Wadooyinka qaranka ka tirsanaa kuwaas oo uu sheegay in dedaal iyo hawl adag oo ay qabteen darteed ay suura gal noqotay in hore loo dhameeyo hawshaas oo balaadhnayd, wakhti ka horeeya xiligeedina ay ku suura gashay.


Wasiirka hawlaha guud waxa uu sheegay in sanad walba xukuumada Somaliland boqolaal kun ku bixiso dib u dhiska jidadka dalka oo xiligan noqday duug hadii aan dayactir iyo dib u dhis lala daba taagnaana noqon doona kuwa bur bura oo meesha ka baxa.


Gudoomiye ku xigeenka hay’adda wadooyinka Somaliland Xuseen Cabdi Cali oo wasiirka uga waramaya guud ahaan hawsha laga qabtay jidka ayaa sheegay in ku dhawaan laba km la dayactiray meelo jidku ka go’ay iyo dhul daadku waxyeeleeyayna dib loo sameeyay, waxa kale oo gudoomiye ku xigeenku sheegay in jidka laga leexiyay daadkii, laga bilaabo maantana aanay biyuhu wadada u soo talaabayn dibna u fadhiisan doonin.


Biriish wayn oo ku yaal inta u dhaxaysa Samakaab iyo Adhi cadeeye oo waxyeelo roobabka gugu u gaysteen ayaa isna si wanaagsan loo dayactiray lagana xaadhay ciid daadka u celinaysay sida gudoomiye ku xigeenka hay’adda wadooyinka Somaliland Sheegay.


Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Yagoori iyo taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Sool ayaa iyaguna wasaarada hawlaha guud uga mahadnaqay hawsha dib u dhiska iyo dayactirka ah ee ay ka qabatay jidka way nee laamiga oo ah meesha kaliya ee dalka iyo gobolka isku xidha, sidoo kale waxa labadan masuul sheegeen in wasiirka hawlaha guud yahay mid gobolka amaan wayn ku leh wax wayna ka qabtay haday tahay nabadayntii iyo dib u dhiska gobolka Sool.


Xubno ka mid ah duqayda degaanka oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa si wayn ugu mahadnaqay wasaarada hawlaha guud iyo xukuumada Somliland oo ay sheegeen in ay ka war hayso wixii dayac iyo dhibaato ku yimaada dadkeeda, mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa isagoo muraaqaysan waxa uu hadalkiisa ku soo koobay dawladi waa dawlad uun, anigu hadal kale odhan maaye waxaan dadka u sheegayaa in dawlad iyo dawlad la’aani kala duwan yihiin.


Markii uu wasiirku soo dhamaystay kormeerkiisa gobolka Sool Xadhigana ka jaray qaybtaa dib u dhiska lagu sameeyay ee jidka waxa uu soo kormeeray jidad badan oo gobolada bariga ah, kuwaas oo dhismo iyo qiimayn lagu eegayo baaxada burburka soo gaadhay ay ka socotay, isagoo wasiirku sheegay in dawladu sanadkan si wayn wax uga qaban doonto jidadka dalka ee burbursan, kuwa roobabkii gu’gu waxyeleeyeena ay ahmiyada koowaad siinayaan.


Wasiirka hawlaha guud iyo wafdigiisu gaba gabadii waxay soo kormeereen dawga buurta Sheekh oo laga wado hawl gal nadiifin iyo dayactir goobihii khasaaraha roobabku u gaysteen ah laga wado, jidkan ayaa laga guray dhagxaan waaweyn oo roobku ka soo daadiyay buurta Sheekh, halka meelo daadku jarayna laga sameeyay



holhol.net


holholnews@hotmail.com

my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah