
S
Daawo xuska maalinta haweenka aduunka oo lagu qabtay magaalada laascaanood...
Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu maamusayey xuska Maalinta haweenka ee sida wayn looga xuso dhamaanba caalamka ayaa waxaa laga xusay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaas oo lagu dhigay xaflad si wayn loo soo agaasimay taas oo ay kasoo qayb galeen qaybaha bulshada ee magaalada Laascaanood.
Xafldan oo sidoo kale ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta Dawlada dhalinyaro iyo marti sharaf kaloo badan
Ugu horayn waxaa hadalkii furay Isuduwaha wasaarada qoyska iyo haweenka Shukri Aadan Bulaale oo halkaasi ka sheegtay sababta loo qabtay xafladan iyo ujeedooyinka iyo waliba qiimaha gaarka ah ee ay haweenka ulee dahay maalintan 8 march taas oo lagu qabto dhamaanba daafaha caalamka iyadoo sidoo kale halkaasi kusoo bandhigtay dhibaatooyinka haweenka.
Sidoo kale Farduus Maxamed Maxamuud oo ka tirsan Dalada Haweenka Somaliland Ee NAGAAD ayaa sheegtay in ay dhibaatooyinka dumarka iyo tacadiyada loo gaysan jiray diinta ka hor iyo waliba waqtiyo aan sidaasi u fogayn loo baahan yahay in tacadaiyada dumarka si wayn loo ilaaliyo xuquuqdooda dumar ahaan loona baahan yahay dhankoda inay wax la qayb sadaan ragga.
waxaa iyana halkaas ka hadlay marti sharaf kala duwan oo u hambalyo u diray dhamaan haweenka caalamka iyagoo fikrado iyo aaraayo is dhaafsaday.
ugu danbayntii waxaa madashii ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka gobolka sool maxamed cabdi dhinbiil daad isaga oo ku dheeraaday in haweenku ay yihii laf dhabarta bulsho kasta ayna ka qayb qaadanayaan sida horumarka waxbarashada iyo caafimaadka hawenka gobolkana looga baahanyahay in ka qayb qaataan amniga gobolkooda si aanay u dhicin waxyaabo loo soo maro dhanka haweenka.
holhol.net
holholnews@hotmail.com