HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >>WARARKII UGU DAMBEEYEY

Madaxwaynaha Soomaliya Oo La Kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska
       Posted to the web on Mar 09

S

Madaxwaynaha Soomaliya Oo La Kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska


Madaxwaynaha dalka soomaaliya ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey guriga looga arimyo wadanka ingiriiska dawning street iyadoo albaabka hore ee gurigaasi uu kaga hor yimi wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi Mr David milban.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu gudaha u sii galay aqalkaasi ayaa waxaa isna halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey raysal wasaaraha dalka Britain Mr Gorden Brown iyadoo salaan ka dib ay labada masuul ka wada hadleen xaalada guud ee dalka soomaaliya.


Gorden Brown raysal wasaaraha ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay inay ka taageeri doonaan dawlada soomaaliya dhinacyada amaanka iyo waliba la dagaalanka argagaxisada si aysan gabaad uga dhigan wadankaasi soomaaliya.


Madaxwaynaha soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka ingiriiska waxaa uu kulamo la qaadan doonaa jaaliyadaha soomaalida ee ku nool wadanka ingiriiska isagoo markaasi lagu wado inuu kala hadli doono sidii ay jaaliduhu u taageeri lahaayeen dawlada somalia,waana markii ugu horaysay ee uu madaxwayne shariif sheekh axmed la kulmo raysal wasaaraha ingiriiska tan iyo intii loo doortay jagadaasi.


 


holhol.net


holholnews@hotmail.com

my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah