| you are here HOME >>WARARKII UGU DAMBEEYEY |
|
| Garaad C/rashiid Garaad Ismaaciil oo baaq u soo jeediyey dadweynaha reer Laascaanood
Posted to the web on Feb 08
 S
Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay guriga uu degan yahay ayuu Garaad C/Rashiid Garaad Ismaaciil kaga warbixiyey xaalada nabadgelyo ee beryahan ka soo daraysa ee ka taagan magaalada Laascaanood isagoo taabtay dhowr qarax oo is daba joogay oo beryahan ka dhacay magaalada Laascaanood kuwaas oo dhimasho, dhaawac iyo burburba geystay. Garaad c/rashiid waxa uu sheegay in qaraxyada noocan ahi yahiin arimo ku cusub deegaanka, keenayaana dhibaato joogto ah iyo nabagelyada oo sii xumata, loona baahan yahay in si wada jir ah looga hortago kuwa dhibka wada, mana ah ficil wanaag keeni kara, marka wuxuu u soo jeediyey Garaadku dadka ku nool deegaanka Laascaanood iyo agagaarkeeda inay nabadgelyadooda iyo midnimadooda ilaashadaan meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo nabadgelyo xumo keeni kara, lana shaqeeyaan ciidanka nabadgelyada gobolka. Lama sheegin meel qaraxyo ka dhaceen oo waxaan colaad iyo bur-bur ahayn ay keeneen, waxa looga gudbi karaana waa isku duubni, iyo wada tashi qofkii wax diidan ama cabasho qabaa nooca ay doontaba ha ahaatee wada hadal ha ku raadiyo kaasaa xal lagu gaari karaaye'. Qaraxa dhimashada iyo dhaawacyada geysanaya kuwa ka danbeeya miyay ka quusteen aakhiradoodii, miyay ilaaween in illahay kula xisaabtami doona cadaab kululina hoy u noqon doonto, oon laga cafinaynin.
Waxuu garaadku ugu baaqay shacabka, waxgaradka deegaanka iyo cid kasta oo danaynaysa nabada gobolka, inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka deegaanka iskana kaashadaan. Waxiii wax u dhimayana si wada-jir ah uga hortagaan. qofkii gobolka wax u qabanayaa nabadgelyada gobolka awooda ha saaro, hana ka shaqeeyo colaada gobolkana ha ka hortago. Gobolku nabad buu doonayaa mayya! colaad iyo wax bur-bur u keena. Ku quduro qaata waxa ka taagan Xamar iyo Boosaaso ayuu garaadku hadalkiisii ku soo gabagabeeyey.
K saleeban
|
|
| |