
S
Waxaa maanta Dib hawada ugu soo noqday khadka Isgaadhsiinta Talefoonaadka oo mudo ku dhow laba todobaad ka maqnaa magaalada laascaanood,iyadoo inta badan dadweynaha saaka ay si weyn u soo dhaweeyeen.
Arimahan ayaa imanaya kadib markii ciidanka amaanku ay sheegeen inay heleen raaadad u iftiiminaya cidii ka danbaysay qaraxyadii dawakhiyay magaalada, oo uu u danbeeyay ninkii qaraxu kula kacay meel u dhow Hotel xamdi oo sida la sheegay uu damacsanaa inuu ka fuliyo qarax
isgaadhsiinta ayaa hawada mar kale dib ugu soo laabtay todobaad kadib markii maamulku amar ku bixiyey in dhamaan la jaro qaybaha kala duwan ee isgaadhsiinta magaalada.Wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta ee Somaliland Cali Sandulle ayaa amar ku bixiyey inay shirkadaha isgaadhsiintu mar kale hawlahooda dib u bilaabaan,iyadoo sababta loo xidhayna lagu sheegay baadhutaan xaga amniga magaalada ah.
Ganacsata iyo maamaulka ayaa maalmihii ugu danbeeyey yeelanayey kulamo ay kaga wada tashanayaan in si wadajir amniga magaalada looga wada shaqayn lahaa,isla markaana magaalada mar kale nabadedii ugu soo noqon lahayd.
ugu danbayntii waxaa maanta degan magaalada laascaanood iyadoo aysan jirin wax rabshado ah, inkastoo ay jiraan dad fara badan oo loo taxaabay jeelal ku yaala magaalada caynaba, iyadoo wararkii ugu danbeeyayna sheegayaan in la soo dayn doono maadaama aysan danbi wayn gelin.
holhol.net
holholnews@hotmail.com