HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >>WARARKII UGU DAMBEEYEY

Mudaharaado saaka ka dhacay magaalada Laascaanood iyo xaalada oo galabta Degan
       Posted to the web on Feb 06

S

mudaharaado balaadhan ayaa saaka subaxnimadii ka dhacay magaalada laascaanood kadib markii aroornimadii maanta ciidanka amaanku ay xidhig u gaysysteen macaliimiin dugsiyo kala duwan oo ku yaala maagaalada laascaanood, mudaharaadkan ayaa ahaa mid gabi ahaanba magaalada kala xidhay iyadoo ciidamadu booliskuna ay inta badan isku dayayyeen inay soo afjaraan iyadoo ay qabqabteen dad badan oo dhaxan dhigayay laamiga dhexdiisa,


ardayda cadhaysan iyo waliba dad kale oo taageeraya ayay markii danbe isu rogtay mudahaarad gilgilay magaalada iyagoo quraarada taayarada lagubayo dhigxaantuna ay noqdeen kuwo qariyay laamiga mar aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino maamulka gobolka ayay noo suuroobin isgaadhsiinta oo go,an darteed.


sidoo kale mid ka mid ah gaadiidka ciidanka booliska ayaa saaka subaxnimadii galay meherad ku taala goolada magaalada iyadoo uu ku jiidhay oday halkaas fadhiyay ayna ku dhaawacmeen ilaa afar askari


ugu danbayntii markii ay xaaladu qadhaadhaatay ayaa waxaa soo galay ciidanka malatariga oo wata gaadiidka gaashaaman.


isku soo wada duuboo xaalada magaalada ayaa haataan degan iyadoo galabnimadii maanta lagu arkayay dadweynaha oo sidii caadiga ah u adeeganaya.


holhol.net


holholnews@hotmail.com





my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah