HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >> FIKRADO

qiso jaceyl ah oo aad u argagax badan taasoo dhex martay wiil iyo gabar somaaliyeed
       Posted to the web on Jan 07 Subax walba oo dilaaca adduunka aanu ku nool nahay, wax yaabo kala duwan baa ka dhaca, qaar waala dilaa, qaar waala xiraa, qaar waala dhacaa, qaarna waala heyb soocaa. Hadaba tan ugu xanuunka badan ayaa waxay tahay Qof Muslim ah oo inala mid ah ayaa dhaawacyo kala duwan u geysanaa. Tusaale ahaan kaba soo qaad shaqsi ahaantaada, haddii uu ku heyb sooco nin asaagaaga ah, side baad noqon laheyd, Alla Xanuun badanaa. Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday Gobolka Ohio ee cariga Maraykanka iyadoo ay dhex martay lamaane Somaliyadeed oo uu ka dhaxeeyey jaceyl macaan. Hadaba lamaanahaan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Faa’iza iyo C/qaadir. Faaisa oo inala soo xiriirtay ayaa inooga sheekeysay sida wax u dhaceyn, sheekadiina waxay ku bilaabaneysaa sidatan:-

waxan ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadka markuu ahaa 1982-kii. Waxaan ku dhashay degmada Waaberi balse waxan ku soo bar-baaray degmada Xamar weyne, dugsigayga hoose dhexe waxan kusoo qaatay Xaawo Taako Iskuul. Balse balse waxbarashayda dugsiga Sare waxan kusoo qaatay Al massal Primary and Secondary School oo ku yaallay 21 Oktoobar ama aga-gaarka Kmg-4. sanadka markuu ahaa 2003-dii ayaa Alle wuxu qadaray Aabahay oo ku noollaa dalka Maraykanka inuu inoo dacwoodo aniga iyo dhamaan inta xubnood ee qoyskayna. Nairobi ayaa tagnay balse nasiib wanaag 5 bilood kadib waxaanu caga-dhigana Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio. Waxaan durbadiiba bilaabay waxbarasho. Balse sanadkii 2004-ta ayaa waxa dhacday in’aan booqdo Habar-yartee oo ku nooleyd Mineapolis, Alla maxaa i geeyey. Alla maxaa igu watay, waa meesha i hor-seeday dhibaatadaan oo dhan in’ay i soo gaarto.


Si kastaba ha’ahaatee waan tagay, waxaan maalin maal maha kamid ah ayaa waxaa Jaamacad u raacay gabar ay dhashay Habar-yartee oo xilligaas dhiganeysay Jaamacadda, waxaa inagu soo leexday wiil ay aqoon fiican isku lahaayeen gabadha ay Habar-yartee dhashay, kaasoo ay jaamacadda wada dhigan jireyn. Wiilkii ayaa waxay wada hadleyn gabadhii, isagoo si kaftan ah igu yiri maxaa dhacay adiga wadaad miyaa tahay oo wiilasha maba salaantit miyaa?, anigoo aanan juuq iyo jaaq dhihin ayaa gabadhii u jawaabtay kuna tiri gabadhaan maba qososho ee ka leexo, markaas baan is-celin waayey oo halmar uu qura ayaan qosol ku dhuftay, xaqiiqdii weligee wiil kuma aanan hor qoslin haddii uusan waxba naga dhaxeyn, balse maalintaan maba aqaano sababta uu qosolka iga soo fakaday.


Hase yeeshee waan isbaranay aniga iyo wiilkii, wuxu i sheegay in C/qaadir ladhaho anna waxan u sheegay in Faa’iza la’idhaho. Teleefanada ayaa kala qoranay waxaa u soo laabtay magaaladda Columbus, xirir fiican ayaa ina dhex maray aniga iyo C/qaadir, dhaaxaa wada- sheekeysano jaceylkaynii waa uu sii xoostay. Waxaan wada soconay in ka badan 3 sano, weligee maanan weydiin Qabiilka uu ka dhashay sidoo kale isaga qudhiiso muusan i weydiin. Waxaan ku heshiinay inaan isguursano marba haddii aanu is-fahanay oo aanu iska helnay. Inta badan nolosheyda waxan kusoo qaatay magaaladda Muqdisho, misa-na Jaceylka aan u qaaday C/qaadir maanan arag weli wiil aan u qaaday. Xitaa waxan gaaray habeenkii haddii aan seexanaayo inaan ku seexdo anigoo codkiisa maqlaayo, cajiib Walee naf jaceyl haayo hawli kama dhamaato.


Sidoo kale C/qaadir qudhiisa wuxuu i sheegi jiray jaceylka uu iga helay in’uusan weli ka helin gabar kale.


Habeen habeenada kamid ah ayaa wuxu yimid magaaladdii aan ku noolaa, isagoo habeenkaas i sheegay Qabiilka uu dhashay, halka uu isna iga codsaday in’aan u sheego Qabiilkii aan ka dhashay, hase yeeshee waan u sheegay, weliba wuxu dareemay in’aan kasoo jeedo Beelaha Laheyb Sooco. Waxba Dareen ah kama aanan arag. Balse laba cisho kadib ayaa wuxu ku laabtay Magaaladda Mineapolis oo markii horeba uu ka yimid.


Wuxuu u tagay gabadhii ay dhashay Habar-yartee isagoo kala dul dhacay CAAY IYO AF LAGAADO tii ugu xumeyd. isagoo ku yiri Naayaa maxaad i bartay naag aanan aheyn Gayaankayga. Halka ay iyana isku difaacday, war maalintii aad inagu soo leexaneysay aniga miya ku dhahay inagu soo leexo ama gabadhaan baro ayan ku dhahay. Adeb malihid ee gabadhaas meel ay la’dahay maleh ee dhaqaaleyso ama si-tartiib ah iskaga fasax.


Laba habeen iyo maalin muusan i soo wicin, oo haddii aan waco teleefanka igama qabanaayo, sidoo kale gabadha ay habar-yartee dhashay maysan i soo wicin oo waxba maysan i sheegin oo way iga qarineysaa. Goor ay tahay habeen xilli danbe ah ayuu i soo wacay isagoo Abaalkayga ka dhacay Caay iyo in uu wax ka sheego Qabiilka aan ka dhashay, waa yaabanahay oo weli wax jawaab ah maanan siinin. Ugu danbeen wuxu igu yiri aniga iyo adiga isma-geyno ee Shimbirkaaga la-duul, halka aan aniguna ku danshay Teleefanii.


Waxaan sameyo garan maayo, aniga tayda meel iska dhigto, adiga oo ah akhristaha sheekadaan akhrisanaayo bal fikir tanoo kale haddii ay kuugu dhici laheyd walaalkey ama walaashey side baad noqon laheyd, Alla joogis adduun dhibaato badanaa.


Jaceylkiisa waxan ka qaaday xanuun fara-badan iyo cuqdad gooni ah. Haddii aan isdili lahaa si’uu xanuunka i dhaafo oo hadhow heli maayo meel aan ku bad baado oo haddii aan nafteeda jaro, in la’igu abaal gudi doono Cadaabtii Alle Subxanallah.


Iyadoo uu xaalka igu xun yahay ayaa waxaa i soo wacday gabadhii ay habar-yartee dhashay iyadoo igula talisay in’aan dib danbe ula hadlin C/qaadir bacdamaa uu sidaan ii galay.


Waxa arinkii u sheegay hooyadee oo awalba ogeyd inaan wada shekeysano C/qaadir iyo aniga halka uusan Aabahee waxba kala socon. Hooyo ayaa waxay igula talisay inaan faraha ka qaado maadaama uu sidaasi gartay. Ugu danbeen waxaan go’aaan ku gaaray in’aanan la sheekeysan wiil danbe wuxu doono ha-noqdoo, anigoo sugi doono inta calafkayga ka dhiman.


Intaasi ayey Faa’iza ku soo goobtay caashaqii xanuunka badnaa ee soo maray. Hadaba akhristaha sharafta lahow qisadaan darankayga maxay ku abuurtay,


Wixii fikirkaaga ah inoogu soo dir laacib143@hotmail.com anagoo gaarsiin doono Faa’iza wixii fikirkaaga ah Insha’Allah.


Xasan Cadde


Isha dhacdooyinka caalamka


Laacib143@hotmail.com




holhol.net



my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah