HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >> FIKRADO

Dhacdo Cajiib ah oo ka dhacday Dalka Canada
       Posted to the web on Dec 20

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Magaaladda Toronto ee dalka KANADA. Waxayna dhex martay lamaane Soomaaliyadeed oo mudo yar isqabay. Lamaanahaan ayaa intii aysan isguursan, ayaa waxay isku barteen goob Aroos uu ka socday, Waxayna isku barteen dagaal ka dhex qarxay labadooda.


Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in aysan ku qasaarin dagaalkii dhex maray labadaan lamaane, kadib markii ay heshiiyeen oo uu xiriir wanaagsan dhex maray, ilaa heer ay iska guursadaan. Balse mushkilada ayaa waxay timid kadib markii gabadha ay wiil ka baratay markacadey chat. Hase yeeshee barashadii dhex martay wiilka iyo gabadha ayaa wuxuu gaaray heer ay iska qaataan teleefanada oo ay is-xiriirshaan.


Si kastaba ha’ahaatee xiriirkaan ayaa waxa ka dhiidhiyey ninka qaba Gabadhaan, isagoo dhawr jeer arkay iyadoo mar walba ku hadaqeysa magaca wiilkii ay ka baratay Somalinet chat, maalin maal-maha kamid ah ayaa ninka qabay gabadhaan ku yiri, maxaa idin ka dhexeeya Hebel?

Iyadoo ugu jawaabtay maxaa kaa galay waxa inaga dhaxeeya iyo waxa uu yahay?

Mar kale ayuu si naxariis leh ku yiri ninka ku qaba waa aniga, aniga ayaa doonaaya in aan maqlo qosolkaaga balse dooni maayo nin kale in uu maqlo qosolkaaga.

Gabadhii ayaa qosol la-soo booday kuna tiri war nin yahow casri jaahiligii majoogno, qofka aan doono ayaa la-sheekeysanaa iyo sidan doono ayaa u dhaqmayaa, saxiib meesha Afrika maaha ee xurnimada hanaga qaadin.

Ninkii qabay gabadha ayaa ka cuudi-bileestay waxa ay ku hadleeso Afadiisa, isagoo ku war geliyey waalidkii Gabadha dhalay, una sheegay sidii ay wax u dhaceen, hase yeeshii waalidki ayaa ugu jawaabay Adeer haddii aadan sidaan ku qabi Karin iska dhig culeeskeeda. I

Dhanka kale wiilkii ayaa go’aan ku gaaray in uu furo, isagoo isdul saaray maherkeeda iyo 2 dalaaqo oo uu ku furay.


holhol.net


holholnews@hotmail.com


my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah