| Gacaliyow ! Joogso!
Posted to the web on Nov 09
Waxaa igu dhaliyey inaan maqaalkan qoro warka naxdinta leh ee ka soo yeedhay: Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka weecday dhaqankii Reer Garaad Cali oo ah daadeggii Garaadnimada Dhulbahante oo soo jirtay in ka badan kun iyo laba boqol oo sannadood.
Garaad Jaamac colaad buu dorraad Nayroobi kaga baaqay. Baaqani igaga daran sidii aan uga naxay geeridii ku timi Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Eebbe ha ka waraabiyo Jannooyinka Fardowsa iyo Naciima.
Garaad Cabdiqani wuxuu ahaa nin Muumin ah oo isku darsaday geesinimo, aqoon iyo waaya-aragnimo. Runta iyo xaqa oo aanu ka gabban ayuu ku shaqayn jiray. Been, muddaahano iyo munaafaqnimo way ka dheeraayeen.
Dharaartii Garaadku go’ay ee layligu beddelay baan gartay in nabaddii goblantay oo aan xasuustay gabyagii Sayid Maxamed:
Hayin nimuu ka jiifsaday wuxuun hilayga saar saarye
Haylaawe raray geel ninkii hodankii waayaaye
Waxaa muuqata inaanu garaadka yari garanba xilka la saaray oo uu ku joogo hir aanu ogeyn halka uu dhigi doono. Wuxuuna ka abaal ka dhacay dadkii nabadda u doortay oo uu imminka saymahooda ku jiro. Kana shaqaynayo inay rogmadaan. Sow ma talo xuma hadduu ka dhaqaaqay garabkiisii iyo gaashaankiisii ?
Wuxuu ku jiray jagadii Emporer Haile Sellasse oo waa tuu ahaa:”Boqorka Boqorrada”. Maantana waa haad geed waayey.
Sow dhiillo dhaxameed kama iman karintii Garaad Cabdiqani ku gudbanaa . Ina
Cali Garaad ka weecay dhaqankii aabihii, kii adeerkii iyo kii awowgii Garaad Jaamac Garaad Cali. Waxay ahaayeen dhammaantood geesiyo xaqa, runta iyo nabadda ay u baahan yihiin beelahooda, kuwa la dereska ah iyo Soomaali oo idil ku adag.
Waxaan ka mid ahaa ergadii Garaad Cabdiqani horkacay ee Berbera ku soo unugtay bishii labaad ee 1991kii nabadda loo aayay ee ay ku dekeynayeen Reer Woqooyi. Wuxuu Garaadku ahaa ninka wax kasta oo uu codsado la fulinayey, xaqdhawrka loo wada hayo awgii.
Wuxuu codsaday in la siidaayo askartii Berbera ugu xidhxidhnayd ururka SNM. Kuwaas oo ka koobnaa gobollada Soomaalida oo dhan. Waa loo yeelay oo markiiba la siidaayey. Halkay rabeenna waa loo dhoofiyey. Wixii rabay inay joogaanna waxaa la yidhi: waa dhulkiinniiye jooga.
Garaad Jaamac Garaad Cali wax baan ka aasay Alla haw naxariiste eh, Garaad cali Garaad Jaamac isna wax baan ka caleemo saaray isagoo Dibitaati ah. Waxaanse ku maqnaa debedda markii Garaad Cali Garaad Jaamac geeryooday, Garaad Cabdiqanina la caleemo saaray labadaba Alla haw naxariisto eh.
Garaad Cali Garaad Jaamac Garaad Cali intaanu dhiman buu nagu soo maray Boqortooyada Sucuudiga iyagoo isaga iyo Maxamed Axmed Cabdulle (Sakhraan) labadaba Alla haw naxariistee ay ka soo noqdeen ergo nabadeed oo ay ugu tageen SNM oo markaa lagu unkayey dalka Boqortooyada Midowday ee aan haatan joogo.
Garaad Jaamac Garaad Cali weligii waxaan khayr iyo nabad ahayn kama shaqayn. Waana sababta gabyaaga Ina Afdhurbo u yidhi:
Go’yaal baa la qaatee haddaan qayd la kala goosan
Guuyaa la yeeshee haddaan giiro la hor seexan.
Haddaan Ina Garaad Cali i odhan Gacaliyow joogso.
Ina Garaad Cali waa Garaad Jaamac Garaad Cali oo gabyaagu caddeeyey inaanu cid kale u soo joogsanayn ciilka haya awgii. Haddiise Garaad Jaamac yidhaahdo: Gacaliyow! Ma diidi karo.
Garaad Calina wuu ka diiday beeshiisii inay dilaan Ina Cabdile Xasan intaanu xoogaysan. Wuxuu yidhi: Nin Ilaahay dili doono waxba yaynaan dilin. Taasi waxay tusaysaa dulqaad, xilkas, xigmad, muuminimo iyo geesinimo.
Garaad Jaamac! Toos oo ku tubbo tubtii ay ku soo jirtay Boqortooyadu 1200 iyo hodhodho’. Kana hadh nacabka raba inay xididadda u saaraan oo ka faraxashaan Garaadnimadan ilaa Dhulbahante soo taxnayd.
Wuxuu yidhi Aw Jaamac:
Astaadkiyo Ismaaciilba way ururin doonaane
Arsuqayga Eebbaa hayee Adarka ii buuxi
Wuxuu Sayidkii ugu war celiyey:
Ragga Eyl u kacayow farriin aad ah iga geeya
Aw Jaamac dhaha Aakhiriyo Eebbe ha illaawin
Nin ikhwaan ah oo kula arrimin maqal akhbaartiisa
Arrinkaad waddaa waa hunguri ababa’diisiiye
Hana ku ordin caydhi waa tad buur garane
Astaadkiyo Ismaaciil wax kuu ururin maayaane
Arsuqaaqa Eebbaa hayee Axanka hays dhaafin
Waxaan ka mid ahay malaayiinta uu garaadka u yahay Ina Garaad Cali. Waxaan dhashay Siigacase oo tuugna ma xado, ninkii garanayaa garanayee. Waxaan ku jiraa da’dii gabyaagu yidhi:
Lixdan baan jiree yaan Indhaha laydhi kaa marine
Darejo aan ta Alle ahayn ma doonayo, cid kalena kama xadhig xidhanayo. Marka ma rumaysni in Dhulbahante Reer ama Reero Soomaali ahi qabsadeen ama ay dhici karto inay hungureeyaan haddaan wedkood/ heddoodii gelin. Ingiriisna taa wuu og yahay oo wuu hubaa. 1993kii baan magangelyo weydiistay Ingiriishka. Waxay I weydiiyeen Reerka aan ahay. Waan isu sheegay. Sarkaalkii i waraysanayey madaxuu ruxay oo yidhi: haddaad Isaaq tahay ama Majeerteen waannu kuu garaabi lahayn inaad khatar ku jirto, hase yeeshee waxaad tahay Dhulbahante .
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ingiriish-ku way ii diiday sharcigii iyadoo iigu jawaabtay sidan:
Dhulbahante waa qolada ugu adag qolooyinka dega Bariga Afrika. Waana qoladii la dirirtay Boqortooyada Midowday(United Kingdom) muddo ka badan qarni waaxdii.
Qoladaas oo u diiday in Maamulladii Biridhish-ka, Talyaaniga iyo Faransiis-kuba inay soo dhaafaan Xeebaha dhulka Soomaaliyeed. Sida aannu og nahay , maantuu Dhulbahante ka xoog badan yahay markuu nala dagaallamay.
Itoobiya, Kiiniya iyo Soomaalida kale oo dhani ma qabsan karaan Dhulbahante oo abaabulan. Saddexda habrood ee Isaaq iyo Arab-ka ina dhalay iyo weliba Ciise-Gudbiirsay hadalkoodaba daa.
1986 baan u soo jeediyey niman Hawiye ah inaannu urur Soomaaliyeed oo ku bilaabma Dhulbahante iyo Hawiye wada samaynno. Waxay yidhaahdeen: sidaa uma sinning. Waxaan idhi: 50 kun oo tababaran oo Dhulbahante baan bil qudh ah ku keenayaaye, intaa in le’eg ku keena muddadaa.
Waxay yidhaahdeen: Maya.
Waxay iga ahayd dan guud iyo in Soomaali laga badbaadiyo ta haatan taagan.
Waxaan Hawiye u sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo urur Soomaaliyeed oo sifo qaran leh mar hadday waxba ka tari waayeen Maxamed Siyaad ururrada reeruhu.
Cali Axmed Tuuhe oo goob joog ahaa baa arrintan gaadhsiiyey Professor Ali Khalief Galayd. Prof. Ali Maraykan buu tilifoon iiga soo diray dhawr jeer.Waxaannu isku afgaranay in Dhulbahante heli karo intaas oo tababaran iyo saddexdeed oo dagaalyahanno u dhashay oo u baahan abaabul keli ah. Dr. Ali Khalief baa isafgarad la gadhay xaruntii USC-da ee Rome sida uu ii sheegay.
Wuxuu Professor-ku Rome iiga soo diray nin la yidhaahdo: Cali Wardhiigley oo yidhi la kulan wuxuu ku soo degayaa Hudheelka “Kaki” ee Magaalada Jidda. Cali Wardhhiigley wuxuu noqday nin aan aqiin oo Boosta Buuhoodle madax ka ahaa 1971kii oo Burco nalagu wada xidhay isagoo lagu eedeeyey “Shaqo ka baxsi”. Aniga iyo laba arday oo kalena waxaa nalaga soo xidhay “Dugsiga Sare ee Shiikh”. Waxaa nalagu eedeeyey “Qoraallo Kacaan Diid ah”.
Aqoonta aannu ergeyga isu lahayn waxay noo fududaysay xilkii dalka naga saarnaa.
Waxaannu gaadhnay “Go`aan Guud”(Public Decision)”. Waxaanna Ergeygii guddoonsiiyey muquuno meel mar ah. Waxaannu ku kala tagnay ballan adag. Hase yeeshee waxaa qorshihii qaranimo naga fashilay rag labada dhinaca oo aannaan ogeynba inay la shaqaynayeen Xukuumaddii Jaalle Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Garaad! Sidii gabyaaga Dhulbahante uu dhaartiisa ugu ladhay inaanu u qabsoomayn cid aan ahayn Ina Garaad Cali. Waxaan kuu hayaa: Xaqdhawr, Qadderin iyo kalsooni ee Gacaliyow! Joogso! Fadhi garaad , Fadhiweyn(Laascaanood) fadhiiso ee ha yeelan fadallo cawleed.
Markii Maxamed Siyaad ku amray Axmed Saleeban Dafle inuu isku diro Dhulbahante iyo Isaaq baa Dhulbahante go’ansaday inaanay xukuumadda u garab gorayayn Reerka Isaaq ee gacalka iyo xigaalka ah. Waxaa guddonkii riday Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo la tashaday Shiikh Cali Daad, labadaba Eebbe ha janno geeyee.
Axmed wuxuu u tebiyey Maadxweyne Maxamed Siyaad Barre oo ku amray wiilkii gabdha ka qabay inuu foodda isu geliyo beelaha woqooyi; wax kasta ha ku kacdee.
Waxaa gabayo badan tiriyey Aw Jaamac Xirsi Xowte oo is yidhi bal ninka tolliimo u la hadal oo hogo tusaalee. Gabayadii midba in yar baan ka xasuus nahay ee qofkii qabyo tiri karaa ha igala soo xidhiidho: Info@alimohamed.com.
Balse aan kowleeyo tixaha Aw Jaamac:
1. Gabbal wuxuu u dumay waa Isaaq degeladiisiiye
Daarihii Hargeysiyo Burcaad doqoshka mooddaaye
Dumrkii daruuraha ku jiray daartii Sacad Muuse
Dumarkii quracdiyo cashada loo diyaarinayey
Waxaa duluflahoodii u galay Xabashi duuf weyne
2. Ma Amxaarkii aan shalay gacal, xigaal mooday
3. Raggan aad ku duulayso ay dacartu kuu hayso
yagaa dadkaba kuugu xiga Dir iyo Daaarood eh
Darkaad wada cabbaysaan intaad dunida joogtaane
4. Niman kuu gun lama caawiyee guudka wada saaray
Niman kuu garoomaha ku taxay ee gunnada siiyey
Nimankii wuxuu godob u galay uunka wada gadhay
Imminkaa inay gowracaan gaadhku ka hayaaye
Buluqbuluqna geed kuu ku xidhay lagu gurreyn waaye
Kala guurnay taladii haddad nala gorfayn weydey
Intuu guul darraystow Isaaq guluf u geynaayo
Woqooyigaba wuu goosan laa waanu garanayne
Axmed Saleebaan iyo gabyaaga Aw Jaamac waa is xigeen. Waxayse iska xigeen gabyaa kale oo Ina Saleebaan Dafle u tiriyey gabay aan ka hayo:
Badho naas weyn nimaan lahayn way la badisaaye
Booraan dawaco buuxsantaa beel ma kaafido eh
Haddii Garaad Jaamac ka dhaqaaqay Beeshii baalka u gelisay, isagaa circa roob ku og. Waxaana qabanaya gabaygii ahaa:
Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho
Qore: Cali Maxamuud Axmed (Sheekoxariir)
Info@alimohamed.com.
(Qormaadani waxay ka turjumeysa araagtida qoraaga loomana fahami karo tan HolHol.net)
|