HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >> FIKRADO

Shirka Nairobi—Geed Sare ku Waab
       Posted to the web on Oct 04

Sida aan wada maqashoonahay waxaa indhawaalaba la hadal hayey wax loogu yeedhay shir ay yeelanayaan qaar ka mida beelaha waaweyn ee dega puntlanad( Dhulbahante) sida la sheegay waxaa shirkaas looga arinsanayaa xaaladaha ka jira SSC (Qaybkamida Goboladda Puntland) kaas oo ay wadaan kooxo ka soo jeeda degaanadaas ayna ka mid yihiin siyaasiyiin ku guul daraysatay inay ka mid noqdaan hogaanka sare ee Dawladda Puntland waxa kale oo iyana ka dhex muuqda rag yaguna iska arki waayey muraayada siyaasadda iyo hogaanka beesha.

Haddaba akhriste inta aanan hoos ugu dhaadhicin ujeedada qoraalka waxaan rabaa in aan wax ka taabto arinta dhalisay shirkan geedsare ku waabka ah iyo ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa.


Waxaan ogsonahay kadib burburkii Dawladii dhexe ee soomaaliya in ay gobolada SSC ay ahaayeen halkii ugu horaysay ee laga yagleelo ismaamul gaar u taagan, inta laga helayo dawlad Soomaaliyeed waxaa waxgaradka iyo aqoonyahanadu dhibada u taageen maamulkii KHUSUUSIDU ay hoogaaminayeen kaas oo la doonayey in looga maarmo hawlihii qaranku masuulka ka ahaa. Waxaa marag ma doonta ahaa in raga haatan u heelan qabsoomida shirka aayo lumida SSC ee Nairobi ay ahaayeen kuwii yagu sababay kala dareerkii maamulkii lagu naashoonayey ee Gobolada SSC,raggaas waxaa ka mid ahaa Pro Cali Khaliif oo qandaraas burburin ah ka soo qaatay maamulka Soomaalidiidka, hoostana ka watay rag ay isku jifi yahiin oo sii tubay Boorame si uu magaca SSC ugu helo xil-quudheed.


Marka aan u soo noqdo halka aan doonayo in aan diiradda saaro waxaa sanadkan horaantiisi Magalada Dubai yimi ergo ka socota ururka NSUM iyo General Maxamed Aadan Laangadhe; kuwas oo ku so jeeday gudaha dalka soomaaliya, hallkaas o ay ku qabteen shirar kala duwan ayna diiradda saareen sidii laysaga kaashan lahaa dib u soo celinta Magaalada Laas caanood.intii ay hawshaas ku guda jireen waxaa soo gaadhay magaalada Dubai Pro. Cali Khaliif Galaydh saga oo u socday burburinta hawlha dhaxalgalka ah ee ay wadaadeen ururka NSUM iyo Genanku, Pro. Cali waxuu soo jeediyey in safarka ay ugu soo anbabaxi lahaayeen ergadu gudaha dalka Soomaaliya ay ka bilaabaan Magaalada Hargaysa ayna wada hadal la galaan maamulka Rayaale maadaama uu sagu Dhulbahante qabsaday, waa yaabe Odayga maxaa u hilaacay. Muran xoogan kadib waa lagu kala dareeray goobtaas halkasana arini ka qaloocatay.


Muddo kadib waxaa soo baxay in koox isku magacawday gudigga jaaliyada Dhulbahante ee East Afrika ay casuumeen Labo Garaad,Ururka NSUM iyo Gen Maxamed Aadan; kuna dhawaaqeen shir beeshu ku yeelanayso Nairobi.macsuumadan waxaa hoos ka qaban qaabinayey fashiliyihii Dubai Mudane Khaliif.


Waxaa mudan in aan ogaano qorshaha dhabta ah ee shirkan GEED SARE KU WAAB, kaas oo la xaqiijinayo in lagu dhisi doono maamul aan la garanay halka uu saldhigi doono dhaliyana khilaaf baahsan oo lagu abuuro SSC si loo wiiqo rajada dib u soo celinta Magaalada Laascaanod,shirkan waxaa dhaqaalaha u badan ku bixinaya Mudane Khaliif oo sagu haatan iyo horayba gacan saar la lahaa maamulka hargaysa, waxaa kale oo wararku tibaaxayaan in ayna ka madhnayn gacan dhaqaale oo uu fidiyey Daahir Riyaale.


Shirka Nairobi waa mid aan xal ugu jirin SSC lagana leeyahay dano shaqsiyadeed oo uu wato siyaasi ku sheega Khaliif iyo rag uu soo shidaalsaday oo isugu jira Isimo iyo qaar sheegta qurba jooga beesha. waxaa xusid mudan in ragga Nairobi bilaha u fadhiyey qabsoomida shirkan geedsare ku waabka ah ay ahaayeen kuwii gacanta ku laha qabsashadii Laascaanood yagoo taageeray dhuuni raacyo ay isku hayb yahiin dhabarna jabiyey P/land ;isla markaana ahaa kuwii ragaadinayey shirkii Boocame 3 oo kana dhex waday shir hoosaad ay kaga tashadeen xoraynta Laascaanood maadaama ay yagu horkacayaasha Iidoorka gacan-saar la lahaayeen; olalena u galay sidii beelaha ay ka soo jeedaan ayna uga qayb qaadan xoraynta Laascaanood, yagoo ku baraarujinayey in dagaalku ku wajahan yahay inta Laamigu maro yagoo xasuuq la rabay qaar ka mida shacabka xalaasha ah ee dhulbahante, waxaanna hawshaas gun dhig u ahaa Qabyaaladaystaha wayn ee Xaabsade.


Gabagabadii waxaa mudan in laga feejignaado waxyaabaha khaldan ee ka socda Nairobi si loo adkeeyo midnimada SSC , loogana hortago kala qoqobida ay wadaan raggaan horay u soo xusnay


Qalinkii:- J.M.Jama
Ashour143@gmail.com


 


holholnews@hotmail.com


my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah