
Libaax iyo Dhurwaayo.
Waa baa waxa dhacday abaar xun, waxaa isu yimid sagaal dhurwaa. Sagaalkii dhurwaa waxa ay ku heshiiyeen sida ay abaarta uga bixi lahaayeen. Waxayna go'aan ku gaareen in xoolaha dadka ay soo dhacaan.
Dhurwaayaadii way soo duuleen oo xoolo raadis ayey bilaabeen. Iyaga oo meel maraya ayaa waxa ka hor yimid libaax. "Dhurwaayow aan idin raaco" ayuu yidhi, oo aan walaalkiin noqdo." Goortaa ayey yiraahdeen, "Haddii aad na raacdo heshiis ma ahaaneyno ee naga tag." Maxaan u heshiin weynay?" ayuu libaaxii yidhi. "Waad af weyn tahay oo waad na boobi," iyagii ayaa ugu warceliyey markaas ayuu dhaar ku maray, "Wiil iyo walaal ba waayaa in aan idin boobeyn. Waxaad ku talisaan baan yeeli."
Waxay tobankii wada socdaanba, geel cawyskii miranaaya oo ah sagaal halaad iyo Awr yar oo ah qurbac, ayey didsheen oo meel cidla ah ala baxeen. Goortay laba maalmood wadeen ayey gaajadii haysay xajin waayeen. Waxay dooneen in ay qaybsadaan geelii. Libaaxii baa yidhi, "Anigu kaligay baan ahaye idinkaaiga badane qaybta noogu dhaqsada. Way ku diideen waxayna ku yidhaahdeen, "Adigaa ah boqorkii xayawaannad ahe inoo qaybi" Markaa ayuu yidhi, raali ma ka tihiin sida aan wax yeelo. "Haa," ayey yiraahdeen.
Markaas ayuu, "Idinku sagaal baad tihiin awrka qurbaca ah ayaa idinku toba, ah ana sagaalka halaad baan ku toban aha Dhurwaayadii iyaga oo caradii ka badatay ayaa midkood yidh, "Sidaas ayey qaybintii ku dhammaatay. Inaguna awrka isagana waa sagaalka halaad. Laakiin waxa aan loo noqaon doonin libaax dambe oo aynu la heshiino."
Waxaa soo diyaariyey, Iskuna soo dubariday
Xuseen C/lahi
Jidbale@hotmail.com
London UK