HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >> FIKRADO

Sheekadii; Farrinta dahsoon.
       Posted to the web on Feb 04

London; HolHol.net 01 February 2007
Beri baa waxa jirey oday reer miyi ah. Waxa uu lahaa wiil uu aad u jeclaa. Waxa uu go;aansaday in uu u diro wiilkiis dugsi ku yiilley magaalo aad uga fog gurigiisa. Noloshuna aad bay uya duwaneyd tii guriga ee sahlanayd, inankana aad bay ugu adkayd in uu la qabsado. Si degdeg ah ayaa uu wiilkii farriin ugu faray niman socoto ah ka soo socdaaley reerka aabihii meel ku dhow, waxaana uu ku yidhi, "Aabahay u sheega in aan shanta wakhti hal weyso ku tukado."

Aabihii waxa uu helay farriintii, waxaana uu fahmey in wiilku shanta wakhti mar keliya wax cuno oo uu rabo in cunto loo soo dhiibo. Waxa uu odaygii bilaabay in uu helo cid magaaladii uu socota. Dhowr maalmood ka dib waxa uu helay nin magaaladii inanku joogey u socda, waxaan uu u dhiibey soddon wasladood oo hilib duban ah iyo joog subag ah.

Waxana uu ku yidhi dhambaalwadihii, "U gee cuntadaas wiilkayga. U sheeg wiilkayga in bishu ay soddon maalmood tahay balliguna buuxo. Dhambaalwadihii waxa uu ballan qaaday in uu cuntada iyo farrintaba u gudbin doono wiilkii in kastoo aanu fahmin farriinta.

Intii uu jidka sii socdey dhambaalwadihii waxa uu xaday woxoogaa hilib iyo subag ah. Markii uu gaadhey meeshii uu u socdey waxa uu wiilkii ku wareejiyey cuntadii soo hadhay iyo farriintii uu aabihii uga sidey.

Wiilkii madax ayaa uu ruxay waxa aanu furay weelashii. Hilibka iyo subagga meeday intii kale? Wiilkii ayaa weydiiyey. Dhambaalwadihii oo naxsan waxa uu ku dheygagay wiilkii, waxa aanuu weydiiyey sisa uu ku ogaadey.

Wiilkii waxaa uu ku jawaabay, " Aabahay ayaa fariin cad ku soo faray." Inankii waxa uu yidhi " bishu waa soddon maalmood macnahaeedu waxa weeye, waxaan soo diray soddon wasladood oo hilib ah. " Markii aan furay kolayga waxaa maqnaaday dhowr wasladood. Waxa kale oo aabahay yidhi, "Balligu waa buuxaa, " laakiin waxa aan arkay jeegga subaggu ku jiro in aanu buuxin. Dhambaalwadihii waa uu yaxyaxey dembigiisiina waa uu qirtay. Ninkii waxa uu weydiistey wiilkii saamaxaad. Wiilkiina waa uu ka oggolaaday. Waxa aanay go'aansadeen wiilkii iyo ninkii in ay arrintu halkaas ku dhammaato.

Waxaa soo diyaariyey, Iskuna soo dubariday
Xuseen C/lahi
Jidbale@hotmail.com
London UK






my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah