HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >> FIKRADO

Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
       Posted to the web on Jan 12 London; 12 Jan 07
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii

Beri hore waxa jirey nin la odhan jirey Cigaal Shiidaad. Cigaal waxa uu ahaa nin fulay ah oo wax kasta ba ay cabsi geliyan. Maalintii damde ayaa raggii qabiilkiisa ahaa oo dhammi ay dagaal u kaceen gurigii ayaa uu ku hadhay oo in uu dagaalka tago waa uu ka baqay.

Maalmo ka dib, ayaa uu Cigaal maqlay in qabiilkiisii la soo jebiyey, oo colkiina ay isaga ku soo foleeyihin (soo socdaan) oo ay doonayaan islamarkan in ay dilaan. Haweeneydii uu qaybey ayaa uu ka codsaday in ay caws ku duu-duubto oo marka uu colku soo gaadho ay u sheegto in uu dhintay.

Haweeneydiisii sidii ayey yeeshay oo inta ay caws ku duuduubtay ayay dhinac fadhiisatay oo ay ku barooratay, "Cigaal Shiidaadow col hortii jabay."
Hal cabbaar ah ka dib ayaa colkii soo gaadhay reer Cigaal, maqleenna baroortii haweeneydii Cigaal.

Colkii fushan fardo ayay ka soo degeen oo ay u soo dhowaadeen goobtii ay gabadhu fadhidey, dabadeedna waxa ay weydiiyeen waxa ku dhacay Haweeneydii.Waxaay colkii u sheegtay in ninkeedii Cigaal uu dhintay. Abbaanduulihii colka ayaa gabadhii weydiiyey goorta uu ninkeedii dhintay.

Intii ay jawaabtii soo waddey ayaa Cigaal hararkii cawska ah ee uu ku duuduubnaa madaxa kala soo baxay oo ayuu yidhi isagoo qaylinaya, "Naa shaluu dhintay dhel!.

Abaanduulihii colku waxa uu Cigaal u arkay in uu yahay nin maadenaya. Dabadeedna colkiisii ayaa uu ku amray inay faraha ka qaadaan Cigaal oo aanay dilin.

maanta halkaas hayno joogto tan iyo intaan ku kulmi doono Sheeko xariir kale Eebe baa mahadii uu sugnatay.


Waxaa soo diyaariyey, Iskuna soo dubariday
Xuseen C/lahi
Jidbale@hotmail.com
London UK

my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah