HolHol.NET
Codka BBCda
Maqal 04:00 GMT
Maqal 11:00 GMT
Maqal 14:00 GMT
Maqal 18:00 GMT


  you are here HOME >> BARO DHULKAAGA

Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
       Posted to the web on Sep 01

August:20/08/06 HolHOl.Net

Degmada yagoori run ahantii waa degmo aad u da weyn marka loo eego deegaamada mandaqadan aynu ku noolahay ,waxaa in badan oo dadweynaha kamid is weydiinayaan maxa kalifay in yagoori oo la asaasay taariikh dheer ka hor in aysan sameyn wax hormara oo xaga bulshada ah taasin waxay keentay in qaar badan oo aanu waraysiyo la yeelanay dadweynaha ama shacbiga reer yagoori ay ku dhaliileen qurba joogta degmada oo hab yaraatee aan waxba ka geysan kobcinta degmada

Hadba wixii ka danbeeyay intii ay soo dageen degmada ciidamada maamulka somaliland waxaad moodaa in ay degmadii yara horu martay marka laga eego dhinacyo badan waxaa kuu muuqanaya inaan haba yartee bulshadii wax loo qaban ha ahaato xag caafimaad. caafimaadka degmada waxaa ka jira hal MCH oo qudha kaas oo aan haba yaraatee dabooli karin baahida caafimaad ee ka jirta degmada,

Markaynu usoo laabano xaga waxbarashada degmadu waxay leedahay hoose/dhexe halka ay degmooyinka la midka ahi ay leeyihiin dugsiyo sare oo qaarkalena tiigsanayaa heer jaamacado.

Iyagoo maamulada ka jira soomaaliya gaar ahaan kuwa deegaankan ka jira waxba uma qaban marka laga reebo maamulka somaliland oo isagu ka hirgeliyay degmada goob boolisku leeyahay iyo iskuul. iyagoo walinba ka caawiya xaga caafimaadka.

Markaanu usoo noqono maamulka puntland yagoori degmo uma aqoonsana inkastoo uusan maamulka puntland gaadhsiisneen degmada ka hor intii aysan imaan ciidamad maamulka lamagac baxay somaliland, aysan jirin wax qabad uu maamulka puntland uu ka qabtay degmada yagoori.

Ugu danbeyntii dadweynaha kudhaqan yagoori ayaa aad ula yaabay sababta waftigii qaarkamida garaadada iyo cuqaasha beelaha SSC hareerta uga mareen degmada, iyagoo socday taleex ilaa itoobiya soona maray dhamaan deegaamada SSC marka laga reebo degmada yagoori oo ah magaalo taariikhi ah.
iyo deegaamada hoosyimaada sida adhicadeeye, tuula samakaab, guumeys iyo yeyle.


Mustafe maxamed Hagar
holhol News Disk

my photo galary
Baro Dhulkaaga
Waraysi Dheer Oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du La Yeelatay Halyaygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi
Beesha dhulbahante oo qarka u saaran inay ka baxdo gabi ahaanba Puntland dhegayso waraysi Xasaasi ah Cali Maraykan oo Ah Afhayeenka Beelah Dhulbahante
Halkan ka dhegeyso RW-Geeddi, Shiikh Shariif, Mustafe Cabdi Ciise iyo Axmed Cabdisalaan oo ka hadlaya Dilkii Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi?=BBC
waraysi gaar ah
Garaad Abdirashid Garaad Ismaaciil oo Wareysi Siiyey
Maxaad kala socotaa halgankii dheeraa ee daraawiisheed
Waa sidee waxbarashada G/Sool Gaar ahaan Magaalada Las-canod
Degmada yagoori,,,,kadheeho oo wax ka dheh
Suugaanta
Libaax iyo Dhurwaayo.
Sheekadii; Farrinta dahsoon.
Sheekadii Cigaal Shiidaad iyo Colkii
Golaha Xayeysiiska ee Rugta Keydka Shiidaalka Soomaaliyed HolHol.net waxay kuu balanqaadayaan Xayaysii Toyo leh
Shakhsiyaal Muhiim ah